For faster navigation, this Iframe is preloading the Wikiwand page for Kaaroot.

Kaaroot

Tiro badan oo kaaroot ah.
Daucus carota subsp. maximus

Kaaroot' sidoo kale loo yaqaano Kaaroote (Af Carabi : arAf-Laatiin: Daucus carota Af-Taliyaani : carota Af Ingiriis : carrot) waa midho ka mid ah khudaarta taas oo ka baxda dhirta oo lagu darsado cuntada.

Khudaarta kaarootku waa midho dhuuban oo midbka liinta leh kaas oo ka baxa carada dhulka hoosteeda.

Kaarootku uma baahna in la kariyo ee sidiisa ayaa lagu cuni karaa, sidoo kale waa la kariyaa si loo jilciyo.

Khudaarta maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.

Waxtarka katootada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Karootadu waxay ka mid tahay cunnooyinka ay soomaalidu taqaano, lagana helo dhulkooda, karootadu waxay leedahay faa'idooyin badan oo aan ahayn kaliya in aragga ay wax u tarto, waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr cudur oo karootada ka hortag ahaan loogu qaato:

  • Kolestaroolka: Diraasad lagu sameeyay dad qaba cudurka kolestaroolka oo ku nool dalka ingiirska waxaa ka soo baxday in heerka kolestaroolka uu hoos u dhacay boqolkiiba 11% markii ay qaateen in ka yar rubac karooto ah maalin kasta muddo sadax usbuuc ah, sidaas awgeed haddii xanuunkaan lagugu sheegay ama aad halist ugu jirtid, ku dadaal cunista karootada si aad uga maarantid daawo,
  • Caafimaadka Wadnaha: Diraasad ay sameeyeen cilmibaarayaal u dhashay dalka Sweden waxay soo daabaceen qoraal ka hadlayo sida ay karootada uga hortagto cudurrada wadnaha iyagoo isbarbardhigay dadka joogteeyo karootada iyo dadka aanan qaadan,
  • Dhiig-karka: Karootada waxaa ka buuxo maado loo yaqaano "Potassium", waxay jirka u tartaa inay waasiciso xididada dhiiga khaasatan markuu cadaadiska dhiigga uu kaco, waxaa kaloo karootada ku jiro maado kale oo loo yaqaano "Coumarin" oo iyadane cadaadisak dhiiga kontaroolkisia ka qeyb qaadato, haddii dhiigkarku kugu cusub yahay, isticmaal karootada maalin kasta oo joogteey adigoo cadaadisak dhiigaagane cabira si aad u ogaato waxtarkeeda,
  • Difaaca jirka: Karootadu waxay ka mid tahay cunnada difaaca jirka sare u qaado, taasoo firfircooni ku abuurto unugyada cadcad ee jirka ka difaaco caabuqa noocyadiisa kala duwan, akhriso qoraal ku saabsan Unugyada cadcad iyo waxay ay jirka u taraan.
  • Dheef-shiidka: Sida cagaarka oo kale ayay karootada u wanaajisaa dheefshiidka iyo shaqada caloosha iyo mindhicirrada qofka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, taasoo yarayso halista baabasiirka,
  • Kansarka: Karootada waxaa ka buuxo maado la yiraahdo "Beta-carotene" maadadaan waxay yaraysaa halista kansarada khaasatan kansarka sambabka, waxaa la arkay haddii qofka maadadaan uu ka qaato 2.7 milligram maalin kasta inay yaraynayso halista kansarka boqolkiiba 40% markii lagu tijaabiyay dadka sigaarka aad u cabo, cilmibaaris kale waxaa lagu arkay inay yarayso halista kansarka malawadka ku dhaco, taasi waxay na tusinaysaa in karootadu ay faa'ido ka hortag oo aad wayn in ay leedahay haddii la joogteeyo.
  • Aragga iyo Caafimaadka Indhaha: Karootada waxaa ku jirto maaddo la dhaho "beta-carotene" oo indhaha faaido ugu jirto oo siyaadiso awoodda aragga. Markii karootada la cuno, maadadaas waxaa la geeyaa beerka, kadib beerka wuxuu u badalaa Vitamin A, kadib Vitamin A-ga waxay ishu u sii badashaa maadada muhiimka ah ee isha u baahan tahay oo loo yaqaano "rhodopsin" waana maadada u qaabilsan aragtida midabka. Maadada "beta-carotene" waxay kaloo ka hortagtaa dhaawaca sonkorta isha ay gaarsiiso iyo caadka indhaha fuulo. Karootadu waxay kaloo ka hortagtaa daawane u tahay xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaano "Macular Degeneration", cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo.
  • Caafimaadka Ilkaha: Karootadu waxay kordhisaa calyada, waayna la dagaallantaa bakteeriyada afka ku dhalato, sidaasne waxay ku yaraysaa suuska iyo bololka ilkaha.
  • Faaliga / Storke: Waxaa la yiraahdaa karootada oo maalin walba la cuno waxay yaraysaa halista faaliga boqolkiiba 68%, sababtuna waa maadada aan kor ku soo tilmaamay ee "Beta carotene" oo maskaxda u roon,
  • Macaanka / Sokorowga: Karootadu waxay kontarooshaa heerka sonkorta ee dhiigga, waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulinta, khaasatan waxaa lagula taliyaa dadka sokorta ugu isticmaalayo daawo ahaan in ay shiitaan oo juus ama cabitaan ahaan u cabaa iyadoo sokor lagu darin.

Waxay karootadu waxtarkeedu badan tahay inta aan la karin, sideeda ayaa loo cuni karaa ama waa la shiidan karaa oo cabitaan ahaan ayaa loo cabaa.[1]

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-08-20. Soo qaatay 2016-08-13.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
{{bottomLinkPreText}} {{bottomLinkText}}
Kaaroot
Listen to this article

This browser is not supported by Wikiwand :(
Wikiwand requires a browser with modern capabilities in order to provide you with the best reading experience.
Please download and use one of the following browsers:

This article was just edited, click to reload
This article has been deleted on Wikipedia (Why?)

Back to homepage

Please click Add in the dialog above
Please click Allow in the top-left corner,
then click Install Now in the dialog
Please click Open in the download dialog,
then click Install
Please click the "Downloads" icon in the Safari toolbar, open the first download in the list,
then click Install
{{::$root.activation.text}}

Install Wikiwand

Install on Chrome Install on Firefox
Don't forget to rate us

Tell your friends about Wikiwand!

Gmail Facebook Twitter Link

Enjoying Wikiwand?

Tell your friends and spread the love:
Share on Gmail Share on Facebook Share on Twitter Share on Buffer

Our magic isn't perfect

You can help our automatic cover photo selection by reporting an unsuitable photo.

This photo is visually disturbing This photo is not a good choice

Thank you for helping!


Your input will affect cover photo selection, along with input from other users.

X

Get ready for Wikiwand 2.0 🎉! the new version arrives on September 1st! Don't want to wait?