For faster navigation, this Iframe is preloading the Wikiwand page for Cali Mahdi.

Cali Mahdi


Cali Mahdi Maxamed
علي مهدي محمد
Madaxwaynihii 4aad ee Soomaliya
Xafiiska intuu joogay
Janaayo, 1991 ilaa Juun, 1995
Xil kaga horeeyay: Maxamed Siyaad Barre.
Xil kaga danbeeyay Cabdi Qaasim salaad xasan.
Dhashay: 1938
Ku dhashay: Tuulada Cadowuul, Soomaaliya
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Soomaali
Dhintay: 10 March 2021
Ku dhintay: Nairobi, kenya

Cali Mahdi Maxamed (carab:علي مهدي محمد) wuxuu ku dhashay tuulada[[cadowuul oo ka tirsan shabeellaha Dhexe ee magaala madaxda Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1938. Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskoolaadkii Xamar ka jiray. Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira u aaday waxbarasho . Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu dhalinyaraa ee xubin ka noqda baarlamaanka Soomaliyeed.

Kadib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shicibka aheyd ee wadanka la wareegay Xooga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waaweeyn ee wadanka soomaliyeed.

Sanadahii 80's Cali Mahdi iyo aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur odoyaal ah "Manifesto" oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee markaas Maxamed Siyaad Barre.

Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Maxamed Faarax Caydiid kaasoo diidanaa madaxweynenimada Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi.

Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.

Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenaayo . waxaa jiro waxyaabo badan oo wanaagsan oo u qabtay shacabka soomaaliyeed lama soo koobi karo .waxuu Ku geeriyoday Isbitaal Ku yaala Nairobi Kenya 10/03/2021

{{bottomLinkPreText}} {{bottomLinkText}}
Cali Mahdi
Listen to this article

This browser is not supported by Wikiwand :(
Wikiwand requires a browser with modern capabilities in order to provide you with the best reading experience.
Please download and use one of the following browsers:

This article was just edited, click to reload
This article has been deleted on Wikipedia (Why?)

Back to homepage

Please click Add in the dialog above
Please click Allow in the top-left corner,
then click Install Now in the dialog
Please click Open in the download dialog,
then click Install
Please click the "Downloads" icon in the Safari toolbar, open the first download in the list,
then click Install
{{::$root.activation.text}}

Install Wikiwand

Install on Chrome Install on Firefox
Don't forget to rate us

Tell your friends about Wikiwand!

Gmail Facebook Twitter Link

Enjoying Wikiwand?

Tell your friends and spread the love:
Share on Gmail Share on Facebook Share on Twitter Share on Buffer

Our magic isn't perfect

You can help our automatic cover photo selection by reporting an unsuitable photo.

This photo is visually disturbing This photo is not a good choice

Thank you for helping!


Your input will affect cover photo selection, along with input from other users.

X

Get ready for Wikiwand 2.0 🎉! the new version arrives on September 1st! Don't want to wait?